Lewandowski oo la guddoonsiiyay Kobta Dahabka (Golden Boot) ee dhaliyihii ugu goolasha badnaa xilli ciyaareedkii 2020/21

0
256

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Xiddiga reer Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski, ayaa helay abaal-marinta kabta dahabka ee gooldhaliyaha ugu fiican horyaallada Yurub xilli ciyaareedkii hore ee 2020/21.

Gooldhaliyaha ugu sarreeya xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski ayaa ku soo afjaray tartankii horyaalka Jarmalka xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 41 gool, wuxuuna jabiyay rikoorkii Gerd Müller ee 50-ka sano.

Robert Lewandowski ayaa sii watay soo bandhigida heerarkiisa cajiibka ah isagoo xilli ciyaareedka ku soo gabagabeeyay horyaalka 41 gool, taasoo ka dhigtay in loo caleemo saaro abaal-marinta kobta dahabka ah.

Lewandowski oo hadlay ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta kabaha dahabka ah ayaa yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay waxa aan gaaray, qof walbana waa inuu had iyo jeer rumeeyaa suurtogalnimada lagu gaari karo waxyaabo waaweyn.”

“Abaalmarintan waa natiijada dadaalkayga iyo dadaalka kooxda oo dhan, laakiin hadda waxaan si buuxda diiradda u saarayaa xilli ciyaareedka cusub, maadaama aan u ciyaaro kooxda ee aanan u ciyaari sababa la xiriira abaalmarinno shaqsiyeed.”

Waxaa xusid mudan in laacibka reer Argentina ee Lionel Messi uu kaalinta labaad ka galay abaalmarinta kabta dahabka isagoo dhaliyay 30 gool, isaga oo farqi 11 gool ah ka hooseeyay mishiinka goolasha naadiga Bavarian-ka ee Robert Lewandowski, halka Cristiano Ronaldo oo reer Portugal ah uu liiskan ka soo galay kaalinta saddexaad kaddib markii uu dhaliyay 29 gool.