Leverkusen Oo Ugu Dambeyn Go’aan Kasoo Saartay Heshiiska Wirtz Ee Liverpool

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Bayer Leverkusen ayaa ku qanacday qiimaha ay Liverpool ka bixisay Florian Wirtz, oo ay ku jiraan gunnooyin lagu daray heshiiska, sida laga soo xigtay warbixin uu qoray The Telegraph. Leverkusen oo aan dooneynin inay Wirtz ku wareejiyaan koox Bundesliga ah, ayaa hadda oggol dalabka Liverpool.

Gunnada lagu daray heshiiska ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo suurtagal ah, iyadoo badankood ku saleysan yihiin in Liverpool u soo baxdo Champions League. Waxa kale oo ku jira gunnooyin kale oo adag, sida hanashada Premier League ama Champions League, balse kooxda ayaa rumeysan in ay la tacaali karto shuruudahaas.

Florian Wirtz, oo dhawaan ku biiraya xulka Germany ee tartanka Nations League, ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka ee Bundesliga markii labaad oo xiriir ah. Xilli-ciyaareedkan wuxuu dhaliyay 16 gool wuxuuna sameeyay 15 caawin. Wirtz ayaa ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu tayada badan Yurub haatan, waxaana Liverpool u aragtaa inuu yahay maalgashi muhiim u ah mustaqbalka kooxda.