Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha ciyaaraha Bayer Leverkusen Simon Rolfes ayaa ka hadlay sida Liverpool ay Bayer Munich ugu garaacday saxiixa Florian Wirtz.
Wirtz waxa uu doortay in uu Anfield ugu dhaqaaqo lacag rikoor ah isaga oo ugu biiray heshiis dhan 116 milyan oo euro. inkasta oo ay si weyn u xiiseynayeen kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern iyo Cityzens.
Rolfes ayaa amaanay maamulka Liverpool sida ay u maareeyeen howsha oo dhan si xirfad leh, isagoo sheegay in ciyaaryahanka uu ku qanacsan yahay ku biirista Liverpool.
Agaasimaha ciyaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kooxda Jarmalka ay ka war hayeen tan iyo bishii February ee sanadkan in laacibku uu go’aansaday inuu isaga tago kooxda, inkastoo Leverkusen ay doonaysay inuu ugu yaraan hal sano oo dheeraad ah sii joogo.