Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa faa’iido u heshay qorshaheeda mustaqbalka fog ee cajiibka ah ee ay ku garaacayaan Bayern Munich saxiixa xiddiga Leverkusen ee Florian Wirtz.
Reds ayaa wadahadalo kula jirta Bayer Leverkusen ka dib markii ay ku qanciyeen Wirtz in mustaqbalkiisu uu yaallo Merseyside oo uusan ku jirin Bavaria.
Waxay soo gudbiyeen dalab furitaanka oo ah dhan 100 milyan oo euro si ay u helaan xiddiga 22 jirka ah suuqa kala iibsiga xagaaga.
Leverkusen ayaa la fahamsan yahay inay doonayso lacag intaas ka badan si ay u jabiso rikoodhka suuqa kala iibsiga.
Wirtz ayaa mar hore indha-indheeyayaal u diray England si ay ugu raadiyaan gurigii uu dagi lahaa marka uu ku biiro kooxda.
Wararka ayaa intaas ku Daraya in Liverpool xiddiga wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga isaga oo ogolaaday heshiis 5 sano ah.