Maadaama ay xagaagan Inter lumisay weeraryahankeedii Romelu Lukaku kaasoo ku biiray Chelsea, waxay haatan dadaal dheer kaddib ay ku dhowdahay inay sii heysato Martinez isla markaana ay kordhiso qandaraaskiisa dhacaya 2023.
Sida laga soo xiganayo suxufiga Taliyaaniga ah ee Gianluca Di Marzio, weeraryahanka reer Argentina iyo maamulka naadiga Nerazzuri ayaa ku heshiiyay qandaraas kordhin afar illaa shan sano ah iyadoo mushaharka Lautaro laga dhigi doono Lix milyan oo gini xilli ciyaareedkii.
Si kastaba ha ahaatee, 24-sano jirkan ayaa xiiso badan ka helay Arsenal iyo Tottenham xagaagan, hase ahaatee wuxuu doortay inuu baaqi kusii ahaado San Siro.