Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis
Xasan Maxamed Laftgareen ayaa kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada
aan Walaalaha nahay ee Turkiya oo Maalmahan Magaalada Baydhabo ujoogay
Wacyigelinta Bulshada, Tababarida Culimaa’udiinka iyo Taakulaynta Dadka
Danta yar.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis
Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Culimada ka socotay Dowlada Turkiga uga
Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Dadaalkooda ku aadan sidii ay
kaalin uga geysan lahayeen dadka ka soo barakacay Magaalada Laascanood ee
Gobolka Sool.
“waan idinkaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen, shaqo
wanaagsan ayaad qabateen wacyi-gelinta bulshada iyo taakulaynta dadka ka
soo barakacay magaalada laascanood waa shaqo mudan inaan idinkaga
mahadcelino,dowlada iyo shacabka turkiga marwaliba qalbiyadeena waad ku
weyntihiin waadna mahadsantihiin garab istaaga walaalihiina soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis
Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Hadiyad Kitaab Quraan ah ka Gudoomay
Culi’mada ka socotay Dowlada Turkiga.