Lacagta Magdhowga Ah Ee Man United Siinayso Mason Greenwood Oo La Shaaciyey Iyo Sidii Ay Man City Ula Dhaqantay Benjamin Mendy

0
78

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah u fasaxday Mason Greenwood kaddib markii ay dhamaystiree baadhitaanno gaar ahaa oo ay ku hayeen oo la xidhiidhay kiiska uu laacibkani ku eedaysnaa ee hore loogu waayey ee ahaa inuu tacaddiyo u geystay gabadh ay saaxiibbo ahaayeen.

Manchester United oo uu qorshaheedu ahaa in Mason Greenwood uu dib ugu soo noqdo kooxda ayaa lagu qasbay inay go’aankan qaadato kaddib markii ay taageereyaasha iyo ciyaartoyda haweenka qaarkood kasoo horjeedsadeen in laacibkan uu mar kale kusoo laabto kooxda.

Mason Greenwood ayaa waxa uu hadda kala dooranayaa dalabyada uu ka helayo adduunyada, sida horyaallada Talyaaniga, Turkey iyo Sucuudiga oo dhamaantood lacago badan oo illowsiiya waqtigiisii Talyaaniga ula diyaar ah ah, gaar ahaan kooxda tababare Steven Gerrard ee Al-Ettifaq oo ay ku midoobi karaan Jordan Henderson.

Red Devils ayaa qaadatay go’aan gobonnimo leh oo ka wanaagsan midkii ay Manchester City ka qaadatay Benjamin Mendy oo sidan oo kale loogu xidhay isku-dayo kufsi laakiin lagu waayey markii uu laba sannadood xidhnaa, isla markaana xagaagan ka degay kooxda Lorient ee ka dhisan waddankiisa Faransiiska.

Man City waxay Mendy ka joojisay mushaharkiisa waqtigii uu xidhnaa, waxaanay xagaagan ku dartay liiska ciyaartoyda ay sida xorta ah ku fasaxday, laakiin Manchester United waxay go’aamisay in Mason Greenwood uu mushaharkiisa ka qaato kooxda inta ka hadhsan qandaraaskiisa oo soconaya illaa sannadka 2025, xataa isaga oo koox kale ka degay.