Labo Xiddig Oo Muhiim Ah England Oo Laga Saaray Xulka Ka Hor Kulamadooda Bishaan September

0
69

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Trent Alexander-Arnold iyo Jack Grealish ayaa laga saaray xulka Ingariiska sababo la xiriira dhaawacyo soo gaaray.

Daafaca Liverpool iyo weeraryahanka Manchester City ayaa looga yeeray xulka Ingariiska ee bishaan ciyaaraya kulamada isreebreebka Euro 2024.

Waxay la ciyaari lahaayen xulka Ukraine oo ah kulan ka tirsan isreebreebka Euro 2024 iyo kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan Scotland oo lagu xusayo sannadguuradii 150aad ee kulankii ugu horeeyay ee caalami ah.

Laakiin warbixin ay caawa soo saareen FA-ga Ingariiska ayaa lagu xaqiijiyay in labada xiddig laga saaray xulka Ingariiska ee tababare Southgate uu magacaabay todobaadkii hore.

“Labada ciyaaryahan waxay yimaadeen xarunta tababarka ee St. George Park maanta laakiin waa laga saaray xulka ka dib markii la hubiyay dhaawacyadii soo gaaray.

“Dhamaan ciyaartoyda kale waa diyaar marka laga reebo Kieran Trippier oo xulka imaanaya Arbacada sababo la xiriira arimo shaqsiyadeed.

“Ma jirto ciyaartooy la qorsheeyay in loo soo yeero si loo bedelo kuwa dhaawacmay.”

Alexander-Arnold ayaa dhaawac ahaan loo bedelay daqiiqadii 71aad kulankii ay Liverpool shalay 3-0 uga badisay Aston Villa.

Grealish ayaa isna dhaawac muruqa ah ku seegay kulankii ay Manchester City 5-1 ku xasuuqday Fulham.