LABADII Ciyaartoy Ee Sababta U Ahaa Guul-darrada Arsenal, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Kulankii Newcastle vs Arsenal

0
71

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Rikoodhkii guul-darro la’aanta Arsenal ayaa waxa soo afjartay Newcastle United oo 1-0 kaga adkaatay kulan xamaasaddiisu sarraysay oo khilaaf badan ay ka abuurtay VAR oo fasaxday gool uu muran ku jiray oo ay dhalisay Newcastle United, sidoo kalena casaan laga daayey Kai Havertz.

Gool madi ahaa oo uu dhaliyey Anthony Gordon ayaa Newcastle United siiyey guusha kulan ay fursaduhu yaraayeen oo Gunners u dhaadhiciyey kaalinta saddexaad.

Mikel Arteta oo kooxdiisu ay tebaysay Martin Odegaard, Thomas Partey iyo Gabriel Jesus oo dhaawacyo kaga maqnaa, ayaa waxa dhinaca Newcastle United ay jamaahiirtu jeclaan lahaayeen in ay u joogaan Isak oo dhaawac ahaa iyo Tonali oo ciyaaraha laga mamnuucay muddo toban bilood ah.

Labadii ciyaartoy ee sababta u ahaa guul-darrada Arsenal

Laba ciyaartoy oo Arsenal ah ayaa sabab u ahaa guul-darrada soo gaadhay Gunners, sababtoo ah waxay ahaayeen kuwa ugu liitay garoonka. Kai Havertz oo ka badbaaday casaan iyo Eddie Nketiah ayaa ahaa maqaneyaal jooga oo aan wax saamayn ah ku lahayn ciyaarta, waxaanay ahaayeen kuwa ugu liitay kooxdooda.

Xiddigii garoonka

Anthony Gordon oo dhaliyey goolka guusha ee Newcastle United ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, iyadoo waliba uu sameeyey isku-dayo kale labadii qaybood ee ciyaarta.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Newcastle: Pope (7), Trippier (7), Schar (7), Lascelles (7), Burn (6), Guimaraes (5), Longstaff (7), Joelinton (7), Almiron (6), Wilson (6), Gordon (7).

Beddelka: Livramento (7), Willock (7), Murphy (6), Ritchie (n/a).

Arsenal: Raya (6), White (6), Saliba (7), Gabriel (7), Tomiyasu (6), Rice (6), Jorginho (6), Havertz (5), Saka (6), Nketiah (5), Martinelli (7).

Beddelka: Zinchenko (6), Vieira (n/a), Trossard (n/a).