Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal waxa ay dib ugu soo noqotay hoggaanka horyaalka Premier League markii ay guul 1-0 ah kasoo gaadhay Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Traford, waxaanay guushani imanaysaa iyadoo hal ciyaar oo kali ahi uga hadhsan yahay dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Gool uu waqti hore dhaliyey Leandro Trossard oo kubbad ka helay Kai Havertz oo dhinaca midig kala yimid ka keenay baas uu difaacyahannada kusoo xeeladeeyey, ayaa sabab u noqday in Arsenal ay horyaalka hoggaankiisa kusoo laabato.
Erik ten Hag oo ay kooxdiisu ku dagaallantay inay kubadda la qaybsato Arsenal, ayaa awoodi waayey inuu barbarro keeno, halka Arsenal ay ciyaartii 18aad ee Premier League ah ilaashatay shabaqeeda xilli-ciyaareedkan.
Arsenal waxa ay hadda ka dhur sugaysaa ciyaarta Manchester City iyo Tottenham ee Salaasada oo haddii City laga badiyo uu horyaalku gacanta u gelayo Arsenal oo ciyaarteeda ugu dambaysa la dheeli doonta Everton oo kusoo booqan doonta garoonka Emirates Stadium.
Labadii ciyaartoy ee sababta u ahaa guul-darrada Man United
Casemiro oo difaaca dhexe ka ciyaarayay ayaa qaybta ugu weyn ku lahaa goolka madiga ah ee laga dhaliyey Manchester United sababtoo ah waxa uu ku hadhay xerada ganaaxa kooxdiisa iyadoo difaacyahannada kale ka wada baxeen. Tani waxay keentay in Kai Havertz oo offside ku jiri lahaa uu si sharci ah kubadda ula soo galay xerada ganaaxa kaddibna uu u dhiibay Leandro Trossard oo dhaliyey.
Waxa kale oo fashil ahaa weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo maqane jooga ka ahaa garoonka dhaxdiisa, isla markaana ay qariyeen William Saliba iyo Gabriel Magalhaes.
Labadii ciyaartoy ee isku qabsaday xiddiga garoonka
Andre Onana oo ah goolhayaha Manchester United iyo difaaca Arsenal ee William Saliba ayaa mid walba uu dhinaciisa u doontay abaal-marinta xiddigii garoonka, laakiin waxa mudnaanta yeeshay Saliba oo ay kooxdiisu guuleysatay.
Labadan ciyaartoy ayaa ahaa kuwa ugu qiimaynta badnaa guud ahaan ciyaartoyda labada kooxood, taas oo ka dhigan in Leandro Trossard oo goolka dhaliyey laga garbiyey.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood