Labaatan qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob gargaar lagu qeybinayay oo ku taala Qasa

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda ay taageeraan Israa’iil iyo Maraykanku ee la wareegtay raashin qaybinta Gaza ayaa sheegtay ,in rabshado ka dhacay mid ka mid ah xarumahooda gargaarka ay ku dhinteen labaatan qof

Hay’adda GHF waxa ay sheegtay, in hal qof la tooriyeeyay, halka kuwa kale ay ku dhinteen isbuurasho dhacday, taas oo ay ugu yeereen khatar soo wajahday xarunta ku taala Khan Younis.

Waxayna eeda dusha uga tuureen kooxo hubaysan. Waa markii ugu horeysay oo ururka uu qirto dhimasho ka dhacday mid ka mid ah xarumahooda.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad sagaal boqol oo qof ay ku dhinteen meel u dhow xarunta gargaar qaybinta marinnada Gaza lixdii toddobaad ee la soo dhaafay.