Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose oo kamid ah Magaalooyiinka ugu Amniga badan ee Dalkeena ayaa Mudooyinkii danbe waxaa ku soo badanayay falal iskugu jira dhac iyo Tuuganimo kuwaasi oo dhaca Xiliyada Habeenkii ah.
Taliyiha Amniga Degmada Dhoobley oo aan wax ka weydiinay arintaasi ayaa Sheegay inay jiraan Dad ay u soo qab qabteen Falalkaasi oo ku howlanaa Dhaca Bulshada Xiliyada Habeenkii ah hadana ay sii wadi doonaan Xoojinta Amniga Degmada Maadaamo ay Masuuliyad ka saaran tahay Ilaalinta Amniga Bulshada.
Gaashaanle Sare Maxamed Heybe Muxumed ayaa sido kale Digniin u diray Dadka wali ku howlan dhaca Bulshada waxaana uu faray inay ka digtoonaadaan arintaasi Cidii lagu soo qabtana la hor geyn doona Cadaaladda