Laamaha Amaanka Galmudug oo gacanta ku dhigay Carruur lala soo goostay

0
145

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Kadib howlgal ay Magaalada Cadaado ka sameeyeen Ciidamada booliska Galmudug ayaa waxaa ay kusoo qabteen tira Carruur ah oo la sheegay in laga soo qafaashay Magaalada Qardho ee degaannada Puntland.

Carruurtaan oo tiro ahaan dhan 8 ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku hayeen Koox ku sugan magaalada Cadaado, kuwaas oo ugu dambeyn si awood ah ay Ciidamada uga soo qaadeen.

Guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa sheegay inay mar hore soo gaartay xogta Carruurtaasi la heysto, hayeeshee ugu dambeyn xog ay heleen kadib ay dadkii heystay kasoo furteen ,isla markaana ay ku wareejiyeen Aabaha dhalay oo ay ka maqnaayeen muddo laba sano ah.

Waxaa uu ugu baaqay koox uu sheegay in dadka u yaqaanaan Jamaacadda Takfiir Carruurta Hooyadoodna ay kamid tahay in ay joojiyaan Carruurta dhuumashada ah dadka uga soo qaadanayaan, waxaana uu u mahad celiyay Shacabka magaalada Cadaado oo la soo wadaagay Carruurtaasi la heystay.