Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii ay 2-0 ku dubteen Crystal Palace oo xujo ku aheyd xilli ciyaareedyadii ugu danbeeyay.
Gunners ayaa dabacsanaan muujisay qeybtii labaad laakiin tayadii ay soo bandhigeen Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko ayaa ugu fileynd inay rajo geliso taageerayaasha Gunners inay u soo bixi karaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Arsenal waxay u baahneyd xiddigo koobab ku soo guuleystay oo sarre u qaada ciyaartoyda, waana ay heleen sida laga dheehan karay ciyaartii Jesus iyo Zinchenko.
Inkastoo uusan caawa gool dhalinin hadana Gabriel Jesus wuxuu ahaa mid soo bandhigay qaab ciyaareed fiican oo ay ka muuqatay baahi badan iyo caaboonaan dhanka weerarka ah isagoo halis joogta ah ku ahaa goolka Palace qeybtii hore ee ciyaarta. Haddii uu sidaan ku sii socdo wuxuu noqon karaa xiddiga ugu gooolasha badan Gunners xilli ciyaareedkan. Waxaa isna xusid mudan oo wacdarro dhigay caawa daafaca William Saliba oo ka soo baxay booskii lagu aaminay.
QIIMEYNTA CITAARTOYDA
Crystal Palace: Guaita 6; Clyne 6, Guehi 6, Andersen 7, Mitchell 5; Eze 6, Doucoure 7, Schlupp 6; Ayew 7, Edouard 6, Zaha 7
Keyd: Milivojevic 6, Mateta 6, Hughes 6, Ebiowei 6
Arsenal: Ramsdale 7; White 5, Saliba 7, Gabriel 7, Zinchenko 7; Saka 7, Partey 6, Xhaka 5, Martinelli 7; Odegaard 6; Jesus 8
Keyd: Tierney 6, Nketiah 6, Lokonga 6
XOGTII LAGA DIIWAANGELIYAY KULANKA
Arteta ayaa badiyay kulankiisii 50aad ee horyaalka ee isagoo tababare Arsenal ah waxayna ku qaadatay 98 kulan uu macalin u ahaa Gunners, waa tababarihii labaad ee si dhakhso leh ku gaara 50 guul horyaalka Premier League ka dib Arsene Wenger oo ay ku qaadatay 94 kulan.
Xiddiga Arsenal Granit Xhaka ayaa calaamada hurdiga la siiyay markii 53aad horyaalka Premier League, waana xiddiga ugu kaararka badan horyaalka tan iyo markii uu horyaalka yimid waxaa la mid ah kaliya Oriol Romeu.
Arsenal ayaa 14 gool ku dhalisay xaalado koorno horyaalka Premier League tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, kaliya Man City iyo Liverpool ayaa goolal intaas ka badan koornooyin ku dhaliyay, waxayna koox walba koorno ku dhalisay 15 gool.