Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka Iyo Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Real Madrid Garaacday Atletico.

0
157

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa sii wadata guulihii ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka La Liga iyagoo badiyay kulankoodii lixaad oo isku xiga ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen deriskooda Atletico Madrid.

Goolal ay qeybtii hore u dhaliyeen Rodrygo Goes iyo Federico Valverde ayay Los Blancos kaga talaabsatay Atletico oo uu gool sabarsiin ah u dhaliyay Hermoso dhamaadkii ciyaarta kaasoo sidoo kale casaan qaatay.

Guushaan waxay ka dhigan tahay in Atletico Madrid ay badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 13kii kulan ee Madrid Derby ee horyaalka La Liga.

XIDDIGA GAROONKA – VINICIUS JR (REAL MADRID)

Xiddiga reer Brazil ayaa ahaa mid ku lug lahaa dhamaan weerardii ay qaaday Real Madrid, orodkiisa iyo farsamadiisa ayaa dhibaatooyin u abuurayay Atletico Madrid.

Weeraryahanka oo ciyaarta ka hor lagu cunsuriyeeyay garoonka banaankiisa ayay ka go’aneyd inuu Real u xaqiijiyo natiijada isagoo mar walba orod ku galayay xerada ganaaxa taasoo keentay in darbadii uu birta ku dhuftay uu dhaliyay Valverde.

Qeybtii labaadna wuxuu ahaa halis joogta ah isagoo orodkiisa u adeegsanayay kubadaha dhaadheer ee loo soo dhigo, wuxuu hormuud ka ahaa kubadaha rogaalcelinta ee Los Blancos.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Atletico Madrid: Oblak 6; Felipe 6, Witsel 6, Reinildo 5; Llorente 6, de Paul 6, Kondogbia 6, Koke 6, Carrasco 7, Griezmann 6, Felix 5.

Bedel: Cunha 6, Morata 6, Corrêa 6, Hermoso 5.

Real Madrid: Courtois 7, Carvajal 7, Militao 7, Alaba 7, Mendy 6; Modric 7, Tchounameni 8, Kroos 7; Valverde 7, Rodrygo 8, Vinicius Jr 8.

Bedel: Rudiger 6, Ceballos n/a, Asensio n/a, Camavinga n/a.