Laacibka Kooxda Arsenal ee Mohamed Elneny oo uu haleelay Caabuqa Korona Fayras & Kulammada uu seegi doono oo la sii ogaaday

0
187

Xiddigan ayaa ku biiray ciyaartoyda tirada badan ee isbuucaan oo kaliya uu xanuunkani soo ritay iyagoo ku maqan waajibaadka qarankooda.

Ciyaaryahankan bandhigga wacan ka sameeyey Arsenal fasal ciyaareedkan ee Mohamed Elneny ayaa garoomada ka maqnaan doona illaa labo todobaad, waxaana uusan awood u yeelan doonin inuu dalka Ingiriiska dib ugu soo laabto.

28-sano jirkaan ayaa xulkiisa u ciyaaray kulankii isreeb-reebka Koobka qarammada qaaradda Afrika ee Sabtidii, waxaana uu gudaha dalka Masar ku geli doonaan karaantiil, isagoo seegi doona dhowr ciyaarood oo muhiim ah oo ay kooxdiisa Arsenal ciyaari doonto mudada uu karaantiilka ku jiro.

“Elneny waxaa ku dhacay Korona Fayras, soo kabasho deg deg ah ayaan kuu rajaynayaa.” ayuu u dhignaa qoraal kooban oo barta Twitter-ka uu ku soo daabacay Wakiilka Mohamed Elneney ee Alan Nazmy.

Xiriirka kubadda cagta Masar iyo waaxda caafimaadka ayaan wali ka hadlin warkan, hase yeeshee Kooxda Arsenal ayaan heli doonin adeegga ciyaareed ee xiddigooda kulanka ay Axadda martida u noqon doonto Leeds United, ciyaarta bartamaha todobaadkan ay la leeyihiin Molde iyo sidoo kale shaki la gelinayo inuu soo kaban doono kulanka Wolves oo isbuuca ka sii dambeeya ay la ciyaari doonaan.

Waxa uu muhiim u ahaa Mohamed Elneney kooxda Arsenal kal ciyaareedkan isagoo u saftay dhammaan 11-kii kulan ee fasal ciyaareedkan, waxaana xusid mudan in intooda badan uu kulammadan ku soo bilowday.