La Liga: Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul sahlan kaga gaartay Kooxda Atletico Madrid, xilli Dani Alves oo shabaqa soo taabtay kaarka cas loo taagay

0
414

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul sahlan kaga gaartay kooxda Atletico Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 8-aad kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Yannick Carrasco kaddib markii uu caawin ka helay Luis Suárez.

10 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Jordi Alba oo caawin ka helay saaxiibkiis Dani Alves.

Gavi oo caawin kaga timid Adama Traoré ayaa daqiiqadii 21-aad wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Barcelona, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1.

43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Ronald Araújo ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-1, kaddib markii uu caawinta goolkan uu ka helay saaxiibkiis Ferran Torres.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib la isugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Dani Alves ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Barcelona wuxuuna ka dhigay 4-1, balse Dani ayaa 69 daqiiqo wuxuu qaatay kaarka roosaha, Barca ayaana sidaas ku noqotay 10 xiddig oo kaliya.

52 daqiiqo marka ay ahayd ciyaarta Atletico Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana 4-2 ka dhigay dheesha L. Suarez, kaddib markii ay caawin kaga timid Gimenez.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 4-2 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Atletico Madrid oo marti ugu ahayd garoonka Camp Nou, Barca ayaa fadhisa kaalinta afaraad ee dhanka kala sareynta horyaalka La Liga.