![Paris Saint-Germain v Stade Brest - Ligue 1 Uber Eats](https://radiosanguuni.so/wp-content/uploads/2023/02/12-2-696x433.jpeg)
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa u gudbinaya kooxdiisa Paris Saint-Germain codsi ah inay iibiyaan xagaaga foodda inagu soo haya, amaba loo ogolaado inuu iskaga tago Parc des Princes si uu u raadsado naadi kale oo uu ku gaadhi karo guulo inta ay xirfaddiisu korriinka ku jirto.
Kylian Mbappe oo heshiis saddex sannadood ah u saxeexay PSG bishii May ee sannadkii hore, ayaa waxa uu doonayaa inuu iskaga tago gebi ahaanba waddanka Faransiiska haddii ay kooxdiisu usoo gudbi weydo wareegga siddeedda Champions League.
PSG oo wareegga 16ka Champions League ku beegan Bayern Munich ayaa uu Mbappe go’aansaday, in haddii ay soo dhaafi waayaan Munich in uu faarujiyo Parc des Princes, iyadoo uu dalban doono in la iibiyo.
Sida uu qoray wargeyska kasoo baaxa waddanka Spain ee Marca, PSG oo waligeed hal final oo Champions League ah timid sannadkii 2020 oo ay Bayern Munich koobka ka qaadday, ayaa waxa uu halbeeg ka dhigtay laacibkani kulankaas oo uu doonayo aargoosi haddii kalena uu iska tegi doono.
Tababare Christophe Galtier ayaa waxa uu hadda haystaa fursad kaliya oo ah inay kooxdiisu meel iska saarto Bayern Munich si uu usii haysan karo Mbappe.
Kulanka koowaad ee PSG iyo Bayern Munich ayaa waxa uu Salaasada toddobaadka dambe ka dhici doonaa garoonka Parc des Prince, waxaana ciyaartan dhaawac kaga maqan Kylian Mbappe, halka lugta labaad ee Allianz Arena ee March 8 uu rajaynayo inuu soo laabto.
Kylian Mbappe ayaaa waxa uu xilli ciyaareedkan socda u saftay PSG 26 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 25 gool.