Kylian Mbappe Oo Si Lama Filaan U Shaaciyay Sababta Uusan Ugu Guuleysan Karin Ballon d’Or Sanad Kaan

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kylian Mbappé ayaa muujiyay in uusan filayn inuu ku guuleysto Ballon d’Or 2025, isagoo sheegay in abaalmarintaasi aysan si buuxda ugu xirnayn waxqabadkiisa garoonka.

Kadib markii uu caawiyay xulka France inay kaalinta saddexaad ka galaan UEFA Nations League, Mbappé ayaa yiri:

“Ma ihi musharax Ballon d’Or sanadkan? Waxaan qabaa fikirkaas, balse fikirkayga wax badan ma beddeli karo. Abaalmarinta kaliya ee aan saameyn toos ah ku leeyahay waa Golden Boot, waayo taas waxay ku xirantahay waxa aan sameeyo. Laakiin Ballon d’Or aniga iguma xirna.”

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 43 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid, isagoo ku guuleystay kabta dahabka ee La Liga, wuxuuna sidoo kale rajeynayaa inuu goolal kale ka dhaliyo Koobka Adduunka ee Kooxaha 2025.