Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappé ayaa sheegay in Arsenal ay heysato fursad dhab ah oo ay ugu guuleysan karto Premier League xilli-ciyaareedkan, isaga oo sabab gaar ah ku sheegay xiriirka adag ee ka dhexeeya ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda.
Arsenal markii ugu dambeeyay ay ku guuleysato horyaalka wuxuu ahaa xilli ciyaareedkii 2003/04, markii ay ku dhamaysteen xilli-ciyaareed aan laga adkaan oo uu hoggaaminayay Arsène Wenger. Inkastoo Mikel Arteta uu kooxda dib ugu soo celiyay tartanka sanadihii u dambeeyay, haddana Gunners ayaa sanad walba si yar uga dhacda koobka.
Liverpool iyo Manchester City ayaa weli loo arkaa tartamayaasha ugu waaweyn. “Dabcan Liverpool waa in marka hore la xuso, maxaa yeelay waxay doonayaan inay hanato koob kasta oo ay ku tartamaan,” ayuu Mbappé u sheegay Bild.
Laakiin wuxuu intaas ku daray: “Waxaan rajeynayaa in Arsenal hanato, maxaa yeelay laf-dhabarta kooxda ayaa muddo dheer isla ciyaaraysay, taas oo muhiim u ah kubadda cagta. City-na mar walba waxay safka hore kaga jirtaa tartanka, iyadoo heysata Pep Guardiola iyo Erling Haaland.”
Markii la weydiiyay kooxda uu sida cad ugu saadaalinayo, Mbappé ayaa yiri: “Way adag tahay inaan taas caddeeyo. Waxaa laga yaabaa in Arsenal sanadkan ay qaaddo. Laakiin way fududahay in la yiraahdo City ama Liverpool.”