Kylian Mbappe Oo Jawaab Buuxda Ka Bixiyay Xaaladiisa PSG & Real Madrid Oo War Heshay.

0
219

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Da’yarka weerarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa biyo qabaw ku shubay wararka la xidhiidhinayay markale kooxda caasimada Spain ee Real Madrid.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa u muuqda mid aan iska dhiibin aragtida ah inuu la saxeexdo xiddiga kusoo guuleystay Kabtii dahabka ahayd ee gool-dhalintii Koobka aduunka.

Waxa dhinaca kale jira warar sheegaya in PSG ay xagaaga soo socda iska diri karto Mbappe haddii uu bixitaan doonayo iyadoo 200 Milyan oo euro iibkiisa ku doonaysa.

Si kastaba, Kylian ayaa u muuqday mid muujiyay haatan in aragtidiisu tahay inuu sii joogo kooxdiisa kaddib markii uu noqday gool-dhaliyaha ugu sarreeya taariikhdooda.

“Waa sharaf inaan halkan ka ciyaaraa, waxaan kasoo jeedaa Paris inaan joogo PSG-na waa wax cajiib ah, waxaan imid anigoo aad u yar waanan koray oo ku qaan-gaadhay garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba” ayuu yidhi 24 sano jirkaas asal Camerooni-ga ahi.

Hadalka Mbappe ayaa ka nixinaya taageerayaasha iyo madaxweynaha Real Madrid oo mudo ku riyoonayay saxeexiisa.