Kyle Walker Oo Isagoon Wali Ku Biirin Muran Ka Dhex Abuuray Bayern Munich – Maxaa La Isku Haystaa?

0
183

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar kamida xiddigaha waaweyn ee Bayern Munich ayaa soo bandhigay sida aysan ugu faraxsanayn heshiiska kooxdu siinayso Kyle Walker walow uusan daafacaasi wali ka taginba Manchester City.

Walker oo 33 sano jir ah ayaa la sheegay inuu la heshiiyay Bayern isla markaana uu heshiis 15 Milyan oo pound ah ugu wareegayo balse wali waxba lama dhammaystirin.

Image

Iyadoo Walker uusan ku farxin inuu ka maqnaa shaxdii Finalkii Champions League isla markaana uu tababare Thomas Tuchel taageere weyn u yahay ayuu u muuqdaa heshiis qabsoomaya balse qaar kamida xiddigaha da’ ahaan weyn ee Bavaria ayaan ku faraxsanayn siday wax u socdaan.

Sida uu sheegayo wargeyska BILD, xiddigo ay kamid yihiin Kyle Walker iyo Manuel Neuer ayaan ku farxin in Walker uu helayo heshiis isaga doorbidaya oo u eexanaya walow uu 30 sano jir ka weyn yahay.

Walker ayaa Munich ka helay heshiis laba sano oo rasmi ah iyo sanad ikhtiyaad dheeraad ah isagoo 33 sano jir ah, heshiiskan ayaa jabinaya siyaasadii mudada dheer ee kooxda ee ahayd inaan hal sano wax ka badan laga saxeexin xiddigaha waaweyn.

Muller oo 33 sano jir ah iyo Neuer oo 37 sano jir ah ayaa labaduba marka ay kooxda heshiisyada u saxeexayeen ku dhibtooday inay qandaraas dheer helaan iyadoo heshiisyadoodu ilaa 2024 ku eeg yihiin.