Kuuriyada Woqooyi: Dalku wuu ka bogsaday Covid-19

0
159

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kuuriyada Woqooyi waxa sheegtay in qof kasta oo bukooday tan iyo markii waddanka uu ka dillaacay cudurka Covid-19 uu haatan ka bogsaday.

Jimcihii ayaa warbaahinta dawladdu sheegtay in aan cudurka laga helin xataa qof keliya muddo todobaad ah oo xidhiidh ah.  Cudurkan waxay Kuuriyada Woqooyi ku sheegtaa “xummad” oo kuma sheegto magaciisa ah  “Covid” maadaama oo aanay haysan qalabka lagu baadho.

Dalka ayaa ku dhawaaqay dillaacii ugu horreeyay ee Covid-19 bishii Maajo wuxuuna soo sheegay infekshannada qandhada iyo dhimashada tan iyo markaas.

Laakiin waxaa jira shaki weyn oo  ku saabsan xogtaa gaar ahaan tirada dhimashada.

“Ma jiraan kiisas cusub oo xumad ah oo la soo sheegay todobaadkii la soo dhaafay dhammaan kuwa la daweynayayna way ka bogsadeen dalka oo dhan,”  ayay ku warantay wakaaladda wararka dalkaas ee KCNA Jimcihii.

Kuuriyada Woqooyi waxay gashay waji “xasilooni”,ayay raacisay, laakiin waddanku wuxuu “laba jibaari doonaa dadaallada lagu ilaalinayo dhammaystirka fulinta siyaasadaha ka hortagga cudurrada faafa ee gobolka”.

Pyongyang ma aysan xaqiijin inta qof ee laga helay Covid.

Laakiin warbaahinta dawladdu waxay sheegtay in ku dhawaad ​​4.77 milyan oo bukaanno xumaddaas ay si buuxda uga bogsadeen  74 qofna ay u dhinteen ilaa dabayaaqadii Abriil, taas oo ah heerka dhimashadu yahay 0.002% – kan ugu hooseeya adduunka.

Khubaro badan ayaa tira koobkan ku adag in la rumaysto.

Kuuriyada Woqooyi waxay leedahay mid ka mid ah nidaamyada daryeelka caafimaad ee ugu xun adduunka, mana laha dawooyin ama tallaalo daawaynta Covid-19, khubarada ayaa leh.

Taas bedelkeeda, Kuuriyada Koonfureed – oo leh nidaam daryeel caafimaad oo horumarsan iyo dad aad loo tallaalay – ayaa la soo sheegay heerka dhimashada Covid 0.12%, marka loo eego xogta rasmiga ah.

Shin Young-Jeon, oo ah borofisar wax ka dhiga kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Hanyang ee Seoul, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhimashada Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in ay ku dhowdahay wax aan macquul ahayn, dhimashaduna ay noqon karto ilaa 50,000.

Wasiirka Midaynta Kuuriyada Koonfureed Kwon Young-se, oo mas’uul ka ah arrimaha Kuuriyada Waqooyi, toddobaadkan ayaa sheegay inay jiraan “arrimo lagu kalsoonaan karo” oo ku saabsan xogta, laakiin Covid wuxuu u muuqday “wax xoogaa gacanta lagu hayo” Waqooyiga.