Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Qaramada Midoobay, dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sii kordhinaysa ciqaabta dilka ah taas oo ay dadku ku mutaysan karaan xitaa haddii ay daawadaan ama isla wadaagaan filimada iyo sheekooyinta taxahayaasha ah ee ay sii daayaan Telefishada shisheeyaha.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in dowladdan kali-taliska ah, oo si weyn uga go’doonsan dunida inteeda kale, ayaa sidoo kale dadka u adeegsaneysa shaqo qasab ah, iyadoo sii xaddideysa xorriyadahooda.
Xafiiska xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, wuxuu ogaaday in tobankii sano ee la soo dhaafay, dowladda Kuuriyada Waqooyi ay aad u adkaysay gacanta ay ku hayso “dhamaan dhinacyada nolosha muwaadiniinteeda