Kuuriyada Koonfureed oo garoomadeeda diyaaradaha ku xiraysa kamaradaha la socda shimbaraha

0
34

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhammaan garoomada diyaaradaha ayaa u baahan doona in lagu rakibo kaamaradaha ilaaliya shimbiraha iyo kuwa la socda sawiradda ee raadarada ka dib burburkii diyaaraha ee dalkaasi ka dhacay bishii December kaas oo ay ku dhinteen 179 qof.

Qaab-dhismeedka lagu fulinayo waxaa la qorsheynayaa inuu dhaco sanadka 2026.

Baarayaasha ayaa toddobaadkii hore sheegay inay heleen caddeyn muujinaysa in shimbir ku dhacday diyaarada Boeing 737-800, iyadoo labada matoor ee diyaarada laga helay dhiig iyo baalasha shimbiraha.

Baaritaanka shilka – kaas oo ah kii ugu dhimashada badnaa Koonfurta Kuuriya – ayaa weli soconaya, laakiin wuxuu diiradda saari doonaa doorka shimbiraha ku dhaceen iyo sidoo kale dhisme adag oo ku yaal dhammaadka waddada diyaaradda, halkaasoo diyaaradda ku

“Radarrada ogaanshaha shimbiraha ayaa lagu rakibi doonaa dhammaan garoomada diyaaradaha si loo xoojiyo ogaanshaha hore ee shimbiraha fog iyo si loo hagaajiyo awoodaha ka hortagga diyaaradaha,” ayaa lagu yiri bayaaan ay soo saartay wasaaradda dhulka.