Kumannaan Masaari ah oo ka mudaaharaaday in Falastiiniyiinta laga rarro dhulkooda.

0
30

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kumannaan Masaari ah ayaa isugu soo baxay marinka Rafax ee kala qaybiya dalka Masar iyo Marinka Qasa kuwaas oo ka soo horjeeda fikrad uu dhawaan soo bandhigay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegaysay in Falastiiniyiinta loo kala rarro Urdun iyo Masar.

Waxa uu ahaa isu soo bax dhif iyo naadir ah in ay ogolaato dawladda Masar, waxana uu ka dambeeyay hadal uu dhawaantan jeediyay Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi oo sheegay in dawladdiisu aanay marnaba taageeri doonin in dhulkooda laga rarro dadka falastiiniyiinta ah.

Trump ayaa Sabtidii sheegay in Masar iyo Urdun ay kala qaabilaan falastiiniyiinta Qasa oo uu sheegay in magaaladoodu ay burburtay oo aan lagu noolaan karin.

Illo dhinaca ammaanka oo Masaari ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in Siisii uu basas u diray dibadbaxayaasha si ay u geeyaan Marinka Rafax oo markii hore ay adkayd in dadku si fudud ku tagaan, kaliya waxa la muujinayay in dadweynaha iyo dawladduba aanay la dhacsanayn fikradda Trump.