Kumanaan reer Israa’iil ah oo ka banaan baxay Qorshaha Netanyahu ee la wareegitaanka Qaza.

0
28

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kumanaan dibad baxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tel Aviv, fiidnimadii Sabtida iyaga oo ka mudaharaadaya qorshaha ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ee sii waditaanka dagaalka Qaza ee muddada labada sano ah socday, iyaga oo dalbanaya in sida ugu dhakhsiiyaha badan loo dhammeeyo dagaalka, loona sii daayo lahaystayaasha.

Mudaharadaayaasha ayaa sitay calaamado iyo sawiro lahaytayaasha Israa’iil ee Qaza, waxaana ay dowladda ka dalbadeen sidii ay uga howlgali lahayd sii dayntooda.

Sida ay tabisay wakaalada wararka AFP, tirada ka qayb galayaasha ayaa lagu qiyaasay tobanaan Kun, halka golaha qoysaska lahaytayaasha ay sheegeen ilaa 100,000 oo qof ay ka qayb qaateen mudaharaadka.

Shahar Mor-Zehero oo ehel la ah mid kamid ah lahaytayaasha la dilay ayaa wakaalada oo soo xiganaysa ay tiri ”Waxaynu ku soo gabagabaynaynaa farriin toos ah oo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ku socoto: haddii aad isku daydo inay qabsato qayb kamid ah Qaza oo la haytayaashana la dilo, weynu kugu soo raadsanaynaa magaalada, inta lagu jiro ololayaasha doorashada iyo dhammaan wakhti kasta iyo goob walba.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhawaaqay Jimcihii in golaha ammaanka oo ah tiro yar oo golaha wasiirada ay go’aamiyeen qabsashada Qaza, oo ballaarinaysa howlgalka milatari ee dhulka falastiiniyiinta iyo digniinaha milatari ee khatarta galinaysa lahaystayaasha.