Kumanaan qof oo la la’yahay ka dib duufaantii New Zealand.

0
133

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Chris Hipkins ayaa warbaahinta u sheegay in dad gaaraya 6,400 oo qof aan meel lagu ogeyn kadib duufaantii Gabrielle ee dalkaasi ku dhufatay 12-kii bishan.

Musiibadan oo saameysay jasiiradda Waqooyi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 11 qof.

Chris Hipkins ayaa duufaanta Gabrielle ku tilmaamay musiibadii qaran ee ugu waynayd ee qarnigan laga soo tabiyay wadanka New Zealand.

Waxaa uu ra’iisulwasaaraha intaasi ku daray in tirada dhimashada ay sii kordhi karto maadaama weli dad badan la la’yahay.

Ciidamada booliiska ayaa xaley soo tabiyay labo dhimasho oo dheeraad oo lala xiriirinaya duufaanta.