Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 1,400 oo qof oo isugu jira arday, wariyayaal iyo qareenno ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib bannaan-baxyo Tukiga ka socda habeenkii toddobaad.
Rabshadaha habeenkii ah ayaa billowday Arbacadii hore markii musuqmaasuq lagu eedeeyay duqa magaalada Ankara, Ekrem Imamoglu oo loo arko in uu yahay ninka ay siyaasadda isku hayaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xadhigga iyo xoogga ay booliisku u adeegsadeen dibadbaxayaasha.
Imamoglu ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo siyaasadaysan, hadalkaas oo uu beeniyay madaxweynaha Turkigu.
Isaga oo Talaadadii Ankara ku la hadlayay koox dhallinyaro munaasibad afur isugu yimid, ayaa madaxweyne Erdogan waxa uu ku boorriyay in ay muujiyaan dulqaad iyo caqli-galnimo iyadoo lagu jiro maalmo uu ku tilmaamay “kuwo xasaasi ah”.