Kumanaan Falastiiniyiin oo biyo la’aan ay ku haysata Waqooyiga Qaza.

0
96

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa biyo la’aan iyo cunto yari wajahaya kumanaan ka mid ah shacabka ku nool Waqooyiga Qaza ee dalka Falastiin.

Dhanka kale , Israa’iil ayaa qorsheynaysa in ay ciidamo dheeraad ah gayso magaalada Koonfureed ee Rafah oo ay ka wado duullaan militari.

Qiyaastii 600,000 oo qof ayaa muddo toddobaad ah ka qaxay magaalada Rafah halka 100,000 kale ay ka carareen duqeymaha Israa’iil ee Waqooyiga Qaza.

Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza ku dhintay ugu yaraan 35,272 qof halka ay dhaawacmeen 79,205 kale.