Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-FlightAware, oo ah website ka diiwaan galiya dib-u-dhacyada iyo baaqashada duulimaadyada gudaha iyo dibadda Mareykanka, ayaa diiwaan galiyay in ka badan 2,000 oo duulimaad oo la baajiyay.
Ugu yaraan 700 duulimaad ayaa sidoo kale dib u dhacay, sida uu muujinayo qoraalka bartaan Internedka lagu daabacay.
Tiro badan oo isbeddel jadwal ah ayaa ka imaanaya garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Orlando, Florida iyo Tampa, Florida.
Dib u dhacyada iyo baaqashada ayaa sidoo kale ka soconaya Fort Myers, Atlanta, Palm Beach, iyo Miami ayaa waxaa sababay duufaanta dabeylaha wadata ee ka dhacaysa gobolka Florida.