Kuleyl Daran oo Ku soo Wajahan Qaar Kamid ah Waddamada Yurub

0
184

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar ka mid ah waddamada ku yaalla galbeedka Yurub ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku soo wajahan ahay cimilo kulul oo gaareysa ilaa iyo 47 degree cabbirka heerkulka.

Hay’adaha saadaasha hawadana waxay ka digayaan heer-kulka daran ee waddamadaasi ku soo wajahan inuu halis u keeni karo dadka ay da’dooda ka sarreeyso 70 jir.

Dad gaaraya 18 milyan oo dalka Faransiiska ku noolna waxaa looga digay inaysan bannaanka u bixin.

Tirada Dadka Faransiiska waa 67.39 Milyan oo ruux sida lagu sheegay Warbixintii ugu dambeysay ee lagu xog ogaaday oo la qaaday sanadkii (2020), sanad weliba waxaa kusoo kordha Dadka faransiiska jiil cusub.

Dadka qaar ayaa billaabay in ay sii tagaan meelaha qabowga ah si ay u helaan cimilo ku habboon

Yurub, waddamada sida gaarka ah loo xusay in uu saameynayo heer kulka ka dhashay is baddelka cimilada waxaa kamid ah France, Spain & Waddamada dhaca Galbeedka Yurub inkasta oo uu kala badnaan karo heer kulkooda.