Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulankan ayuu ujedkiisu ahaa wacyigalinta tacadiga Caruurta iyo Haweenka waxaana soo agaasintay hayada SWCCA ee ka howlgasha dalkeena Soomaaliya waxaana kulanka ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Jowhar iyo kan gobalka shabeellaha Dhexe iyo bulshada Rayidka ee gablka shabeellaha dhexe iyo xubno ka socotay Hay’adda barnaamijkan qabanaysay.
Guddoomiyaha Maamulka Degmada Jowhar Cusmaan Maxamed oo goobta kahadlay ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay muhiim sido kale waxaa goobta kahadashey Guddoomiyaha ururka dhalinyarada ee gobalka shabeellaha Dhex fartuun iyo Guddoomiyaha ururka Haweenka gobalka shabeellaha Dhex Madiino Caado islamarkaana ah xubin katirsan golaha Deegaanka Degmada Jowhar.
Khadar Axmed Salaan.ayaa fah-faahinaya