Kulan loogaga hadalayay doorka lahaanshaha bulshada iyo Dowladnimada oo lagu qabatay kismaayo.

0
94
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulankan oo uu soo Agaasimay mashruuca Nagaad ee dhismaha waddooyinka kismaayo ayaa looga hadlaayey doorka lahaanshaha bulshada iyo hannaanka dowladnimada ee bilicda iyo dhismaha wajiga labaad ee waddooyinka magaalada Kismaayo oo dhowaan la bilaabi doono.
Kulanka waxaa kasoo qeyb galay gudoomiyaasha xaafadaha degmada Kismaayo, Ururada bulshada iyo Agaasimaha arrimaha bulshada ee dowlada hoose degmada kismaayo, waxaana diirada lagu saarey sidii ay bulshada u fahmi lahaayeen in wadooyinka ay yihiin hanti guud oo uu qof walba wax ku leeyahay sidaa darteed ay aqbalaan xaalad kasta oo kaga timaada dhismaha waddooyinka.

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya