kulan looga hadlayey yareynta qiimaha ku baxo guurka lamaanaha oo lagu qabtay Kismaayo

0
41
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa qabatay kulan ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiinta degmada, hay’adaha amniga, culimada magaalada, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray arrimaha guurka, amniga, iyo dowlad-wanaagga. Gaar ahaan, kulanka waxa si qoto dheer loogu falanqeeyay xal u helidda guurka qaaliga noqday. Ugu dambeyn, waxaa laga soo saaray go’aammo ay hay’adaha amniga iyo Dowladda Hoose si wadajir ah u dhaqan-gelin doonaan.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya