Kulan looga hadlayay ka hortagga leexsashada gar gaarka oo lagu qabtay Kismaayo.

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay wadatashiga dadweynaha ee siyaasadda kahortagga leexsashada gargaarka bini’aadanimo.

Kulanka waxa kasoo qeyb galay islamarkaana daah-furay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud waxaana weheliyay xubno kamida Golaha Wasiirada, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacyaasha iyo Qaxootiga Jubbaland, Gudoomiyaha degmada Kismaayo, madax kasocotay Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arimaha gargaarka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan e bulshada.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya