Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Caafimaadka ayaa ka qaygalay kulan lagu soo bandhigayay qiimayn lagu samayay Hay’adda Maraareynta Tayada Soomaaliya heerka ay marayso awoodeeda nidaaminta daawada iyo agabka Caafimaadka ayadoo la isticmaalayo hannaanka caalamiga ah WHO ee lagu cabiro nidaamyada daawada lagu maareeyo inay gaarsiisanyihiin heerkii laga rabay.
Kulanka lagu soo xerayay qiimeynta ayaa wasiirka Waxaa ku wehliyay, madaxa Hawlgalka Cusub ee midawga afrika Soomaaliya (AUSOM), Mr Adebayor Karim, hoggaanka khubarada ee hay’adda harumarinta ee midawga afrika Ms Jane (AUDA-NEPAD), Ku xigeenka wakiilka hay’adda Caafimaadka aduunka Dr Mohamed Kamil iyo Agaasimaha Hay’adda Maareynta Tayada Daawada Soomaaliya Dr Faarax Sharaawe iyo UNFPA.
Qiimeeynta ayaa lagu soo bandhigay, qorshaha hay’adda lagu gaarsiinkaro heerka 3aad (Maturity level 3) ayadoo la raacayo qorshaha isbadalka qaran 2005-2029.
Wasiirka ayaa uga magadceliyaya AUDA-NEPAD, Bangiga aduunka IYO WHO sida ay u taageerayaan hay’adaan oo aan rabno inay waxweyn kabadasho nidaamka daawooyinka dalka.