Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Dowlada Jubbaland Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aaden oo howlo shaqo u jooga Degmada Dhoobley ayaa kulan Muhiim ah la qaatay Maamulka Degmada iyo bahda Cadaalada Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose.
Kulanka ayaa intiisa badan lagu lafa gurayay sidii kor loogu qaadi laha arimaha cadaalada iyo siday bulshada Magaalada u heli lahaayeen adeeg cadaalad oo dhamaystiran.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa