Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Olole lagu daahfurayey gurmad la doonayo in loo sameeyo shacabka reer falastiin oo xiligan ay dhibaato ba an ay ku hayaan ciidamada israail ayaa muqdisho lagu qabtay.
Ololahan oo ah mid balladhan ayaa waxaa soo qaban qaabisay muasasada somali action network waxaana ka qaybgalay xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya wasiiro ka tirsan xukuumada ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka banaadir mashaaikh kala duwan aqoonyahano dhalinyaro waxgarad haween iyo marti sharaf kale oo madasha lagu casuumay.
Qaar kamida culimada ka qaybgalay kulanka oo daahfuray kulanka ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay xasuuqa lagu hayo rer falastiin iyagoon bulshada ugu baaqay in qof kasta waxa uu awoodo uu ka qayb qaato ololaha bilawga ah si loo gaaro yoolka ah 5m oo dolar.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa