Ku dhawaad 30 qof oo ku dhaawacmay garoon cayaareed oo ku dumay Qaahira.

0
82

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda caafimaadka ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 27 qof ay dhaawacmeen ka dib markii shalay ay burburtay qayb ka mid ah garoon cayaareed oo ku yaalla Koonfurta caasimadda wadankaasi ee Qaahira.

Waxaa arrintan shaaca ka qaaday afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Masar, Hossam Cabdel Ghaffar.

Waxaa uu sheegay in dhaawaca badankoodu aynan hadda noloshooda halis ahayn maadaama ay dhaawacyadu fudud yihin.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee Masar Ashraf Sobhi ayaa guddi u saaray inuu arrintan baaritaan ku sameeyo.