Kooxdee ayaa hoggaanka u heysa loollanka loogu jiro saxiixa Erling Haaland?  

0
187

Sida ay wararka ka imaanaya dalka Jarmalka ay sheegayaan, Madrid ayaa hoggaanka u heysa raacdada loogu jiro saxiixa laacibkan da’da yar, waxaana ay kaga horreysaa kooxaha Ingiriiska sida Manchester United, Manchester City iyo Chelsea.

Los Blancos ayaa sidoo kale maanka ku heysa saxiixa Kylian Mbappe iyagoo doonaya inay soo wada xero geliyaan labada xiddig ee loo arko inay yihiin kuwa ugu wanaagsan da’dooda.

Haaland iyo Mbappe ayaa loo arkaa inay baddeli karaan taliska Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaasoo kubadda cagta qaaradda Yurub hoggaaminayay ku dhowaad 15 sano.

Sidaas darteed, Real Madrid ayaa dooneysa inay labada laacib keento caasimadda Spain, si ay xal joogto ah ugu hesho gooldhalinta naadiga taasoo aad hoos ugu dhacday tan iyo markii uu Ronaldo ka tagay xagaagii 2018.

Kooxda uu hoggaamiyo Zinedine Zidane ayaa aaminsan in Haaland uu doonayo ka ciyaarista La Liga sidoo kalena damaciisa inuu yahay inuu ka mid noqdo mashruuca guulaha ee ay ku taammeyso Los Blancos.

Geesta kale, Barcelona ayaa si aad ah loola xiriirinayay 20-jirka reer Norway, hase ahaatee, waxay u muuqataa mid loogan gacan sarreeyo loollanka lagu raadinayo saxiixiisa.