Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Southampton ayaa ka yaabsatay kooxda sideeda jeer ku guuleysatay Carabao Cup ee Manchester City iyagoo u soo gudbay semi-finalka ka dib markii ay 2-0 ku dubteen.
Waxay ciyaarta noqotay 2-0 inta aan la gaarin 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay waxaana si cajiib ah u dhaliyay Moussa Djenepo oo kubad khadka dhexe ka soo jiiday isagoo arkay goolhayaha City oo banaanka u soo baxay, wuxuuna ka dulqaaday kubada.
Sidaas ayaana lagu kala nastay iyadoo City ay xitaa awoodi weysay inay hesho hal daro qeybtii hore ee ciyaarta. Tababare Pep Guardiola ayaa seddex bedel sameeyay waqtigii nasashada iyadoo Kevin de Bruyne uu isku dayay inuu natiijada wax ka bedel.
Xitaa markii la soo geliyay Erling Haaland waxba wuu ka qaban waayay garoonka iyadoo Southampton ay sabab u noqotay in Pep Guardiola uu wajaho guuldaradiisii 100aad ee intii uu tababare noqday.