Kooxda P S G oo wada-hadallo kula jirta tababaraha Roma ee Jose Mourinho.

0
246

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa wada-hadallo kula jirta tababaraha Roma ee Jose Mourinho oo ay doonayaan in ay ku beddelaan Christophe Galtier oo uu cadaadis badan saaran yahay, kaddib saddex guul-darro oo xidhiidh ah oo ay kasoo hooyeen kulamadii ugu dambeeyey.

Paris Saint-Germain ayaa waxa Salaasadii garoonkeeda ku garaacdaya Bayern Munich lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, waxaana uga horreysay Monaco oo 3-1 ku karbaashtay iyo Marseille oo ka reebtay tartanka Coupe de France.

Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa la sheegay in uu doonayo inuu eryo Galtier haddii ay guul soo laabasho ah kasoo gaadhi waayaan Bayern Munich oo ay usoo gudbi waayaan wareegga siddeedda Champions League.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Santi Auona, agaasimaha ciyaaraha PSG ee Luis Campos ayaa la xidhiidhay Jose Mourinho oo ay isla soo qaadeen sidii uu ku iman lahaa Parc des Princes, isla markana u hoggaamin lahaa kooxda xiddigaha waaweyn lagu ururiyey xilli ciyaareedka dambe.

Faahfaahin dheeraad ah lagama helin jawaabta uu bixiyey Jose Mourinho iyo haddii ay is-faham buuxa gaadheen, hase yeeshee waxa la ogyahay in tababaraha reer Portugal uu taageere weyn u yahay Kylian Mbappe oo uu marar badan saxaafadda ka sheegay in uu la dhacsan yahay qaab-ciyaareedkiisa.

Laakiin caqabadda jirta ayaa waxay tahay in Mourinho ay isku dhaceen Sergio Ramos waqtigiisii Real Madrid oo uu saxaafadda u mariyey eedaymo, sidoo kalena ay maryo dhiigleh kala furteen Lionel Messi xilligii ay kala joogeen Real Madrid iyo Barcelona.

Mourinho oo u xaglinjiray dhinaca Cristiano Ronaldo oo uu ku tilmaami jiray inuu ka fiican yahay Lionel Messi ayaa haddii uu ogolaado inuu tago PSG waxa aan la hubin in ay Parc des Princes wada joogi doonaan Messi sababtoo ah xiddiga reer Argentina ayaa lagu soo warramayaa inuu iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa oo uu xor ka noqon doono xagaaga.

Dhinaca kale, Sergio Ramos ayaa isagana uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, lamana hubo in heshiiska loo kordhin doono, halka Neymar Jr lala xidhiidhinayo horyaalka Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, Jose Mourinho ayaa heshiiska uu kula jiro AS Roma waxa uu socon doonaa illaa sannadka 2024.