Kooxda Manchester United oo barbaro kala soo laabatay West Brom oo ay booqatay kulan ka tirsan Premier League

0
429

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa barbaro kala soo laabtay naadiga West Brom oo ay booqatay kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League.

Kooxda martida loo ahaa ee West Brom ayaa daqiiqaddii labaad ee bilowgii ciyaarta gool uga naxsatay Man United, waxaana ugu shubay oo kulanka 1-0 ka dhigay Mbaye Diagne.

Yeelkeede, dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta 44’daqiiqo Bruno Fernandes ayaa kulanka barbaro ku soo celiyey kaddib markii uu si wanaagsan u dhammaystiran karoos uu ka helay Luke Shaw, kulanka ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay dhaliyaha goolkii koowaad ee kulanka ayaa fursad dahabi ah ka lumiyey kooxdiisa West Brom markii kubbad uu ka dafay kabtanka Man Utd ula tagay goolhaye De Gea, balse ma suuro gelin inuu dhaliyo oo goolhaya reer Spain ayaa ka badbaadiyey.

Man United ayaa dhowr fursadood oo ay goolka labaad ku dhalin kartay heshay, laakiin waa laga beeniyey waxaana ugu dambeeyey kubbad birta kaga dhacday daqiiqaddii ugu dambeysay kulanka kaddib markii uu madax la helay kubadda Harry Maguire, kulanka ayaana ku soo dhammaaday barbaro 1-1.

Man United oo haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka ayaa dhibcaha la wadaagta kooxda Liecester City oo ku jirta kaalinta saddexaad.

Waa kulankii labaad oo xiriir ah oo ay Manchester United barbaro galayso, iyadoo Manchester City oo kulan baaqi u yahay ay haatan hoggaanka horyaalka Premier League ku qabatay todobo dhibcood.