Kooxda Leeds United oo iska diiday dalbka Arsenal ee Raphinha

0
233

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta ee Leeds United ayaa iska diiday dalab kaga yimid kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates ee Arsenal, kaasoo ay ku dooneysay xidigga kubad sameeyaha reer Brazil ee Raphinha.

Ciyaariyahaan oo kooxo dhowr ah bartimaameed u ahaa ayaa markaan waxaa dib loo soo celiyay xiisaha kooxda Arsenal, waxaana Leads ay sheegtay in aysan jirin cadaadis xiligaan keenaya in ay iska iibiyaan xidigooda.

Arsenal ayaa la filaa in ay dib ula laabato heshiiska ay ku doonayso xidigga iyo gabihaan baacsiga  ay ugu jirtay xidigga reer Brazil, waxaana xusid mudan in horay Barcelona dalab uga soo gudbisay, iyaga oo taageero ka helaya wakiilka ciyaaryahanka oo ah laaciibkii hore Barcilone ee Deco.

Xiddigaan ayaa kooxda Leads United waxaa uu kula jiraa heshiis, waxaana uu bishii Octobar  sanadkii 2020 kaga soo biiray kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ee Rennes, wuxuuna Leeds kala qeyb qaatay 34 kulan Primer Liège isaga oo dhaliyay 11 Goal.