Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Kooxda reer London ee Chelsea ay heshiis cusub oo saddex sanadood ah ku abaal-marinayso Tababaraheeda Thomas Tuchel dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Hoggaamiyaha reer Jarmal ee Thomas Tuchel ayaa shaqada kooxda Blues ka beddelay Macallinkii hore ee kooxdaas Frank Lampard.
Wargeyska ayaa Warbixintiisa intaa ku daray in Kooxda Chelsea ay Thomas Tuchel u gacan gelin doonto heshiis labo sanadood ah oo uu qiyaar u haysto in lagu kordhiyo sanad kale oo dheeri ah.
The Blues ayaa sidoo kale doonaysa inay heshiis cusub ka saxiixato ciyaaryahankeeda khadka dhexe ee N’Golo Kante, maadaama uu ku jiro labadiisii sano ee ugu dambeysay heshiiskiisa.