Kooxda Chelsea Oo Qiratay In Loo Diiday Inuu U Ciyaaro Mid Ka Mid Ah Saxeexyadoodii January.

0
160
Chelsea has been operating under a special government license while US bank Raine Group managed its sale.

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Graham Potter ayaa shaaciyey in mid ka mid ah saxeexyadoodii bishii January aan illaa hadda la siiinin ruqsadda ogolaashah ciyaartoynimo, isla markaana aanay awood u lahayn inay safaan.

Chelsea ayaa ciyaartooyo badan soo iibsatay bishii January, waxaase aan illaa hadda loo ogolaanin inuu u ciyaaro xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Andrey Santos oo ay alcag gaadhaysa £13 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Vasco da Gama.

18 jirkan ayaan illaa hadda hal kulanna kasoo muuqanin, waxaana uu hadda ku maqan yahay waddankiisa oo uu u ciyaaray tartanka South America U20 oo uu dalkiisu ku guuleystay isaga oo kabtan u ahaa, waxaana uu sidoo kale ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah isaga oo dhaliyey lix gool.

Potter oo saxaafdda la hadlayay ka hor ciyaarta Southampton, ayaa waxa uu xaqiijiyey in wali aanay illaa hadda ciyaarsiin karaynin Andrey Santos oo aan la siinin ruqsadda, waxaanu yidhi; “Andrey wali halkiisii ayuu joogaa. Waxa aanu u raadinaynaa xalal kale.”

Chelsea ayaa hadda ku qasbanaanaysa inay amaah ku bixiso Andrey Santos haddii aanay dawladda UK siinin warqadda shaqo (work permit) oo hore loogu diiday.

Andrey Santos ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu Vasco da Gama u saftay 38 ciyarood oo uu u dhaliyey siddeed gool, waana kubbad-sameeyey hibadiisu sarrayso oo awood u leh inuu goolal dhaliyo.