Kooxda Chelsea oo doonaysa inay heshiis cusub ka saxiixato mid ka mid ah xiddigaheeda

0
197

Jariiradda The Telegraph ayaa warinaya in Kooxda reer London ee Blues ay qorsheynays inay dalab ay heshiis cusub kaga saxiixanayo hordhigto daafaceeda Andreas Christensen.

24-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareedkiisa ku kasbaday Tababaraha kooxda ee Thomas Tuchel, waxaana uu ku soo bilowday kulammadii ugu dambeeyay, isagoo ka horyimid Kooxaha Everton, Liverpool iyo Newcastle.

Lama sheegin illaa iyo hadda inta uu gaarsiisan yahay heshiiska ay doonayso inay daafaca ka saxiixato kooxda ka dhisan Galabeedka Magaalada London.