Kooxda Barcelona oo xaqiijisay Magaca ciyaaryahanka uu Lionel Messi sida gaarka ah ula tababaran doono… (Waa kuma xiddigaasi?)

0
250

Xiddiga xulka Argentine ee Lionel Messi, ahna weeraryahanka iyo Kabtanka Kooxda Barcelona ayaa jimcihii la soo daafay ku dhawaaqay inuu sii joogi doono Gobolka Catalan xilli ciyaareedka 2020/2021.

Barcelona waxa ay xaqiijisay in Lionel Messi uu tababar gaar ah la qaadan doono ciyaaryahanka reer Brazil ee Philippe Coutinho, kaasoo si rasmi ah uga soo laabtay heshiis amaah ah oo uu ku jiray kooxda Bayern Munich.

Kabtan Lionel Messi ayaa shalay iyo maanta ka soo muuqday tababarka Kooxda Blaugrana markii ugu horreysay tan iyo markii uu ku wargeliyey naadiga inuu tagayo.

Yeelkeede, waxa uu ugu dambeyntii go’aansaday inuu sii joogi doono xilli ciyaareedkan, waxaana Barcelona ay hadda ku jirtaa u diyaar garow kal ciyaareedka cusub Messi ayaana si gaar ah ula tababaranaya Coutinho.

 

Gool FM.