Kooxda Barcelona ayaa war kasoo saartay xaalada dhaawacyada daafacyada dhexe ee kooxdeeda ee Eric Garcia iyo Jules Kounde oo labaduba wax ku noqday kulankii ay Valencia guusha 1-0 ah kasoo gaadheen Sabtidii.
Barcelona ayaa kulanka ku dhammaysatay iyadoo ay daafaca dhexe uga ciyaarayaan Gerard Pique iyo Marcos Alonso oo asal ahaan daafac bidix ah.
Garcia ayaa garoonka ka baxay daqiiqado kahor dhammaadka qaybta hore iyadoo dhaawaciisu noqday mid feedhaha ah halka Kounde oo dhawaan uun dhaawac muruqa ah kasoo kabtay uu dhaawaciisa cusubi yahay mid bawdada ah.
Walow aan wakhti rasmi ah oo ay kusoo kabanayaan la sheegin haddana wargeyska Mundo Deportivo ayaa xusaya inaysan toddobaad ka badan maqnaan doonin.
Waxa la filayaa inaysan qayb ka noqon kulanka Champions League ee Victoria Plazen oo aan macno badan u lahayn Barcelona balse ay diyaar u noqdaan kulanka xiga ee horyaalka ee Almeria.
Blaugrana ayaa booska daafaca dhexe u yahay midka ay inta ugu badan kasoo dhibtootay xilli ciyaareedkan iyadoo afarta daafac dhexe ee asaasiga u ahba dhaawacyo hadheeyeen.